Gudoomiyaha Haayada Qaxoontiga Iyo Barakacayaasha Cabdikariin Xinif Oo Digniin Udiray Musharixiinta Iyo Waxay Daarantahay
April 13, 2021 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Gudoomiyaha Haayada Qaxoontiga Iyo Barakacayaasha qaranka Cabdikariim Axmed Maxamed (Xinif) ayaa warsaxafadeed xafiiskiisa kazoo baxay musharixiinta utartamaya doorashooyinka Somaliland uga digay in ay dadka goobo gaar ah ku ururiyaan iyo samaynta kaamam cusub oo aanay xukuumadu uqoonsanayn kuwo barakacayaal taasi oo ka hor imanaysa qawaaniinta haayada qaxoontiga iyo barakacayaasha somaliland.
Sidoo kale gudoomiye xinif ayaa soo dhaweeyay musharixiinta dadka gaadhsiinaya biyaha iyo wixi lamid ah balse ku booriyay in aanay samayn kaamam cusub oo ay iyagu alifeen.