Puntland Iyo Jubaland Oo War Kasoo Saaray Muddo Kordhinta Loo Sameeyay Madaxweyne Farmaajo
April 13, 2021 - Written by admin
Muqdisho(Berberatoday.com)-Qoraallo kooban oo ka soo kala baxay maamul goboleedyada Puntland iyo Jubbaland ayay kaga fal-celiyeen go’aankii muddo kororsiga ahaa ee xildhibaanada Goalah Shacabka Soomaaliya ay maanta u sameeyeen xukuumadda madaxweyne Farmaajo ee mudo xileedkeedu dhamaaday.

Qoraal ka soo baxay maamulada Puntland iyo Jubbaland oo lagu daabacay twitterka madaxtooyada Jubbaland ayaa lagu sheegay in tallaabadii uu maanta qaatay baarlamanka Soomaaliya ee mudo xileedkiisu dhamaaday ay dib u celineyso dhismaha dowladnimada Soomaaliya.