Xukuumada Iyo Xisbiyada Mucaaridka ah Midkeebaa Guulaystey, Hadii La Qabto Doorashada Isku Sidkan Ee Wakiilada Iyo Golaha Deegaanka?Cabdiraxmaan Hiiraan(Faallo).
April 14, 2021 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Marka hore Waxaa dad badani isweydiinayeen Maalmihii u Dambeeyay,dhaqdhaqaaqa Mudanayaasha Wakhtigoodu Sii dhamaanayo ee Golaha Wakiilada Simaliland cod Aqlabiyad ah ugu Meelmarinayeen Xeer 14 ogolaanaya Furusta Ururada Siyaasada Somaliland, taas oo ay Dadka Qaarkii Wakhtiyadan Dambe u qabaan in ay Caqabad adag ku tahey Xisbiyada Mucaaridk ah ee Ucid iyo Waddani oo iyagu Mar hore, Sida fiinta uga Qeylyay kadib Karkii Madaxweyne Muuse Biixi ku soo hadalqaaday Madal uu ka jeedinayay Khudbad isagoo ujeedadiisu daarneyd, Af-gobaadsi aan Xaqiiqda u Ridnayn.