Beesha Caalamka Oo Walaac Ka Muujisay Muddo Kordhintii Baarlamanka Soomaaliya Usameeyay Xukuumadda Madaxweyne Farmaajo
April 15, 2021 - Written by admin
Muqdisho(Berberatoday.com)-Qoraal ay si wadajir ah u soo wada sareen Dalalka Beesha caalamka ayaa waxa ay ku sheegeen inay ka walaacsanyihiin meelmarinta 12-kii April uu Golaha Shacabka Soomaaliya meelmariyay qaraar lagu bedelayo heshiiskii 17-kii Sebtember, qaraarkaas oo xambaarsan geedi-socod doorasho oo ay ka dhalan doonto muddo kordhin dheeri ah oo ku timaadda muddo xileedkii loo igmaday Madaxweynaha Soomaaliya iyo Baarlamaanka.
Qoralaka ayaa waxaa soo wada saaray Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Kanada, Danmark, Midowga Yurub (EU), Finland, Faransiiska, Jarmalka, Urur-Goboleedka IGAD, Ireland, Italy, Netherlands, Norway, Spain, Sweden, Switzerland, Boqortooyada Ingiriiska, Mareykanka, iyo Qaramada Midoobay.