Ciyaaryahanka Mesut Ozil Oo Dhaqaale Lagu Taakulaynayo Bisha Ramadaan Ugu Deeqay Caruurta Dalal Ay Soomaaliya Ku Jirto
April 15, 2021 - Written by admin
Muqdisho(Berberatoday.com)-Ciyaaryahanka caanka ah ee Mesut Ozil ayaa ugu deeqay € 101,000, oo u dhiganta 120,000 oo dollar hay’adda Bisha Cas ee Turkiga, taasoo qeyb ka ah olole gargaar oo la wado inta lagu guda jiro bisha barakeysan ee Ramadaan.
Warbixin ay soo saartay, Ururka Bisha Cas ee Turkiga waxay ku sheegeen in deeqda Ozil loo adeegsan doono in lagu bixiyo baakado cunto oo aad loogu baahan yahay oo loogu talagalay dadka baahan ee ku nool Turkiga, Indonesia, iyo Muslimiinta Rohingya ee ku jira xeryaha qaxootiga ee Bangladesh.