Deni Oo Garoowe Ka Bilaabay Wada Tashiyo Ku Saabsan Mowqifka Puntland Ee Arrimaha Doorashooyinka Soomaaliya
April 16, 2021 - Written by admin
Garoowe(Berberatoday.com)-Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta kulan wadatashi ah la qaatay golihiisa wasiiradda, isagoo warbixin ka siiyay safarkiisii magaalada Muqdisho iyo xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya.
Wararka ayaa waxay sheegayaan in madaxweyne Deni uu sabtida hortagidoono barlamaanka Puntland, isagoo kala tashandoona mowqifka Puntland kaga aadan go’aan uu qaatay barlamaanka Soomaaliya oo muddo kordhin u sameeyay dowladda uu muddo xilleedkeedu dhamaaday.
Madaxweyne Siciid Deni