Guddoomiyihii Hore Ee Jimciyadda SOOYAAL Oo Ka Hadlay Xaaladda Dalka Iyo Doorashooyinka
April 16, 2021 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Guddoomiyihii hore ee Jimciyadda Mujaahidiintii SNM ee Sooyaal Xasan Cabdi Maxamed, xilligana ka tirsan Xisbiga mucaaradka ee Waddani, ayaa ku baaqay in aad looga fogaada loogana feejignaado wax kasta oo qaranka hagardaamo ku ah, waxaanu ku baaqay in dalka ay ka qabsoomaan Doorashooyin xor iyo xalaal ah.
Guddoomiyihii hore ee Jimciyadda Sooyaal Mujaahid Xasan Cabdi Maxamed, oo u warramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn hadalkiisa ku bilaabay “Waynu aragnaa Xaaladda ay maanta Soomaaliya ku sugan tahay, ee taladayadu waa inaynu wax walba hagaajisano, oo aynu Mucaarad iyo Muxaafidba aynu iska ilaalino wax kasta oo dib u dhac iyo dib u socod ku keenaya Qarankeena, kolay waan arkayey qaabka uu Xisbiga Kulmiye uga dareen caliyey Xeerkii ururrada siyaasadda ee Golaha Wakiilladu ansixiyey, Golaha Wakiilladana mar haddii ay Golaha ka sii tagayaan waxaa loo baahnaa inay si milgo iyo maamus leh u tagaan, laakiin inay muran iyo khilaaf abuuraan uma qurux badna”