Kenya”Gabadh Yar Oo Araga Naafo Ka Ah Oo Somaliyada Ah Oo Kaalinta Koowaad Ka Gashay Itaxaankii Dugsiyada Dhexe
April 16, 2021 - Written by admin
Kaddib markii la shaaciyay natiijada imtixaanka Dugsiga Hoose/Dhexe ee dalka Kenya oo loo yaqaanno KCPE, Ifraax Maxamed Shuuriye oo ah ardayad indhaha naafo ka ah ayaa kaalinta 1-aad ka gashay gobolka Waqooyi Bari halka ay kaalinta 7-aad ka gashay guud ahaan dalka Kenya.
Kaalmahan waxay ka gashay qeybta waxbarashada gaarka ah ee la siiyo ardayda baahiyaha gaarka ah leh.
Wareysi ay siisay telefishinka NTV ee dalka Kenya ayay ku sheegtay inay mustaqbalka rajeyneyso inay noqoto dhakhtar.
“Waxaan jeclaan lahaa inaan noqdo dhakhtarka caafimaadka dhiigga (Hematologist) si aan markaas u caawiyo bukaannada aniga ila midka ah,” ayay tidhi Ifraax.
Macallinkeeda ayaa sheegay inay “tahay gabar aqlaaq badan oo dadaal u sameyneysay sidii ay heer fiican uga gaari lahayd waxbarshadeeda, iskuulkaasina ay dhiganeysay ilaa markii ay fasalka ugu horreeya billaabeysay”.
“Sannadihii ay halkan joogtay oo dhan waxay si dhow ula shaqeyneysay macallimiinteeda, waxaana uga mahad celinaynaa sida ay dadaalka u sameysay,” ayuu yidhi.
Wasiirka waxbarashada ee Kenya, George Magoha, ayaa Khamiistii shaaciyay natiijada oo muddo la sugayay.
Isku darka arday ay tiradoodu gaareyso 1,191,616 ayaa isu diiwaan galiyay imtixaanka KCPE laakiin 12,424 ayaa ka maqnaa goobihii imtixaanka lagu galay iyagoo u seegay sababo kala duwan awgood.
George Magoha, Wasiirka Waxbarashada ee Kenya
Barfasoor Magoha ayaa markii uu natiijada shaacinayay ku dhawaaqay in uusan jiri doonin arday waayi doona booska dugsiyada sare.
1,179,192 ka mid ah ardayda imtixaanka u fariistay intooda badan oo gaarayay 889,011 waxay keeneen natiijo ka hooseysa 300 oo dhibcood halkii laga rabay meesha ugu sarreysa 500 oo dhibcood.