Madaxwaynaha Somaliland Oo Ka Hadlay Dagaal Laba Beelood Ku Dhexmaray Deegaanka Xudun Gobolka Sool,Ciidamada Kala Duwan Ku Amray In Talaabo Ka Qaadaan
April 16, 2021 - Written by admin
BAAQ MADAXWEYNE
Madaxweynaha Somaliland Wuxuu Baaq Nabadeed U Diray Beelaha Walaalaha Ah Ee Dirirtu Ku Dhex Marayso Ceelka Dhabar-dalool, Maamulka Gobolka Iyo Hay’adaha Amnigana Farayaa Inay Tallaabo Adag Ka Qaadaan Cidkasta Oo Nabadda Doc-Wareemaysa
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu baaq nabadeed u diray beelaha walaalaha ah ee dirirtu ku dhex martay Ceelka Dhabar-dalool ee Degmada Xudun oo dhacda waqooyi barri ee gobolka Sool.
Dagaalkaas oo ka kacay Ceel-biyoodka Dhabar-dalool ee Degmada Xudun, wakhtigan maaha macquul in la daadiyo dhiigga dadka muslinka ah, sidaa awgeed waxa aan ugu baaqayaa kuwa colaadda hurinaya inay ka waantoobaan oo ay u tudhaan dadkooda maatida ah ee aan waxba galabsan iyo aakhiradooda, iyadoo weliba lagu jiro bishii barakaysanayd ee Ramadaan oo ah bil cibaado.