Muwaadin Si Mutadawacnimo Ah Uga Shaqeyn Jirey Dhaq-dhaqaaqyada Diblamaasiyadeed Ee Somaliland Sodon Sano Ku Dhawaad Oo Sheegay In Fursado Badani U Banaan Yihiin Somaliland
April 18, 2021 - Written by admin
Muwaadin Si Mutadawacnimo, ah Uga shaqeynayay Intii Somaliland Jirtey Dhaqdhaqaaqyada Dhinaca Diblamaasiyada iyo Xidhiidhka Beesha Caalamka oo Wakhtigan Saadaalinaya, In Somaliland Baahi u Qabto in Ay Xididka Ka Saarto Xidhiidhka Midawga Yurub iyo Doorkii Ay Ku Lahayd.
Hargeysa(Berberatoday.com)-Aqoonyhan Maxamed Xuseen Qaalib oo Ku Magac dheer (Maxamed dhacsi), Waxa uu Muddo Sodon Sano Ku Dhawaad ah Si Mutadawacnino iyo Wadaniyad ah uga Shaqeeyay Xidhiidhka Somaliland iyo Wadamada Yurub, Isagoo Ka qeyb Galey Ku Dhawaad Boqol kulan oo Muhiim u ahaa Somaliland iyo Doorka Wadamada Reer Galbeedku ka aaminsan Yihiin taas, oo Sii Xoogaysatey Intii ka Dambeysay Sanadii 2002dii Kadib markii ay Si joogto ah U Hirgaleen ugu Yaraan Sadex Doorashoo ay Ka bilaabmaysay, Bilawgii Doorashadii Golaha Deegaanka ee D/hoose oo Qabsoontay Sanadii 2002dii Bishii Diisambar, iyo Doorashadii Madaxtooyada, oo Qabsoontay Sanadii 2003dii Bishii April, iyo Waliba Doorashadii Golaha Wakiilada oo Qabsoontey, Sanadii 2005tii Taas, oo Sigaar ah usoo jiidatay, Dalalka Midawga Yurub iyo Wadamo badan oo Dawladaha Reer Galbeedka ah Islamarkaana, ay Somaliland Sigaar ah uga Qiimeeyeen Dalal badan oo Qaarada Afrika ah.