Madaxweynaha Somaliland Oo Lagu Canaantay Sida Uu Uga Hadlay Dagaal Beeleed Dhiig Badan Ku Daatay Oo Ka Qarxay Gobolka SOOL
April 19, 2021 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Xisbiyada Siyaasadda Somaliland qaarkood iyo Madax-dhaqameedka Dalka, ayaa Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ku canaantay sida uu uga hadlay Dagaal beeleed dhiig badan ku daatay oo Khamiistii iyo Jimcihii la soo dhaafay ka dhacay deegaanka Holhol oo ka tirsan Degmada Xuddun ee Gobolka Sool.
Dagaalka labada Beelood oo ka dhacay deegaanka lagu Magacaabo Dhabar-dalool oo Holhol ka mid ah, ayaa waxa ku dhintay Dad tiradooda lagu sheegay 27 Qof, halka dhaawac badanina jiro, laakiin Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi oo habeen hore War-saxaafadeed ka soo saaray dagaalkaasi, ayaa baaq nabadeed u diray labada Beelood dagaalku ka dhex Qarxay.