Madaxweyne Siciid Deni Oo Cafis Ufidiyay 66 Maxbuus Oo Jeelasha Putland Ku Xidhan
April 19, 2021 - Written by admin
Garoowe(Berberatoday.com)-Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta cafis Guud u fidiyey 66 maxbuus oo ka mid ah maxaabiista ku xidhan xabsiyada deegaanada Puntland.
Madaxweyne Deni ayaa maxaabiistaan cafis ugu fidiyey talo soo jeedin ka timid wasaaradda caddaalada Puntland, iyadoo la eegayo fadliga bisha barakeysan ee Ramaddan iyo xaaladda caafimaad ee caabuqa Covid-19 awgeed.
Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni