Wargeys Sheegay In Imaaraadku Uu Somaliland Ka Taageero Tababbarrada Iyo Horumarinta Tiknoolajiyadda Ciidammada!
April 21, 2021 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Wargeyska The Tennessee Tribune oo ka soo baxa dalka Maraykanka, ayaa war-bixin dheer ka qoray Doorka Dawladda Imaaraadka Carabta oo Saaxiib dhow la ah Somaliland ku leedahay Dalalka Koonfurta Qaaradda Aasiya iyo Bariga Afrika.
Wargeyska The Tennessee Tribune wuxuu sheegay in Imaaraadka oo qayb libaax ka qaaday heshiiskii Dawladaha Eritrea iyo Itoobiya uu xilligan isku dayayo inuu dhexdhexaadiyo Dalalka Pakistan iyo Hindiya ee Koonfurta Qaaradda Aasiya, kuwaasi oo ku muransan Gobolka Kaashmiir.