Xildhibaan NAC-NAC Oo Ka Hadlay Doorashada Soo Socota Iyo Baaqna U Diray Beelo Sool Ku Diriray
April 22, 2021 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nac-nac), ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalku halku marayo, gaar ahaan Doorashooyinka isku sidkan ee la filayo inay dalka ka dhacaan, roobabka curtay iyo dagaalkii dhawaan dhexmaray laba Beelood oo wada dega Gobolka Sool.
Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nac-nac), oo la hadlay Wargeyska Geeska Afrika wuxuu ugu horeyn yidhi isagoo ka hadlay Doorashooyinka “Laba Doorasho oo kala ah Doorashada Wakiillada iyo Doorashada Deegaanka ayaa inagu soo fool leh oo dalkeena mar qudha ka wada qabsoomaya, markaas inaynu Doorashooyinkaas isku diyaarino ayaa la inooga wada baahan yahay, cid kastana inay masuuliyadda kaga soo hagaagta Doorashooyinka inay xil iska saarto ayaa loo baahan yahay, haddii ay ahaato Xisbiyada, Komishanka, Musharixiinta, Dawladda iyo Shacabkaba, si fiicana way inoogu dhici doonaan Doorashooyinkaasi”.