Xisbi Xaakimka Kulmiye Oo Sheegtay Inay Kuraasta Ugu Badan Ka Heli Doonto Gobollada Galbeedka, Doorashada Wakiillada Iyo Deegaannada
April 23, 2021 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Xukuumadda Talada Somaliland haysa ee Xisbiga Kulmiye, ayaa sheegtay inay ku rejo weyn tahay inay hesho kuraasta ugu badan ee Wakiillada iyo Deegaanka ee Gobollada Galbeedka dalka, marka la gaadho doorashada isku sidkan.
Wasiirka Wasaaraddda Ganacsiga Maxamed Xasan Sacad (Saajin), ahna Guddoomiye ku xigeenka afraad ee Xisbiga Kulmiye, ayaa munaasibad loo qabtay Musharixiinta Goleyaasha Wakiillada iyo Deegaanka ee Gobollada Maroodijeex, Saaxil iyo Awdal, wuxuu xusay inay ku rejo weyn yahay sidii ay ku heli lahaayeen kuraasta ugu badan ee saddexdan Gobol, inkasta oo uu tilmaamay in tartan adag ay la galayaan Xisbiyada mucaaradka.