Madaxwayne Muuse Biixi Oo Kulan La Qaatay Komishanka Doorashoyinka Iyo Qodobada Ay Ka Wada Hadleen!
April 24, 2021 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu qasriga madaxtooyada kulan kula qaatay xubnaha Guddida doorashooyinka qaranka Somaliland, kulankaas oo diiradda lagu saaray habsami u socodka qabsoomidda doorashooyinka goleyaasha wakiillada iyo deegaanka.
