Siyaasi Cali Guray Oo Saadaaliyay Sida Ay Xisbiyada Mucaaridku Xisbiga Xaakimka Ugaga Guulaysanayaan Kuraasida Baarlamaanka Doorashada Soo Socota!
April 27, 2021 - Written by admin
DOORASHADA WAKIILADA: (QIYAAS HORRAAD)
Doorashada Baarlamanka Xisbul Xaakimka Kulmiye waxa la qiyaasi karaa in uu ka heli doono 35 ilaa 37 kuraasida loo tartamayo oo ah 82 kursi, halka labada xisbi ee mucaaridkuna ay isku heli karaan 45 ilaa 47 kursi. Kulmiye gobolka sida ugu wayn loogaga adkaan doono ee saamiga ugu yar uu ka heli karaa wuxu noqonayaa gobolka Togdheer oo laga yaabo in aanu ka heli karin wax ka badan 5 kursi halka mucaaridkuna ay isku heli karaan 10 kursi. Gobolka Togdheer waxa kuraasida ugu badan (7ila 8 kursi) ka heli kara xisbiga WADDAN. Guul darrada laga yaabo in Kulmiye uu kala kulmo gobolka Togdheer ayaa loo nisbaynayaa masuuliyiina xisbiga qaarkood oo kow uu ka yahay Cabdikariim Xinif laftiisu.