Laba Carruur Ah Oo Ku Dhintay Goob Biyo-fadhiisin Ah Oo Ku Taalla Degmada Axmed Macalin Haaruun Ee Hargeysa
April 29, 2021 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Laba Carruur ah, ayaa ku Geeriyooday Degmada Axmed Macalin Haaruun ee Magaalada Hargeysa.
Labada Carruurta ah oo Wiilal ahaa, ayaa ku Geeriyooday Goob Biyo-fadhiisin ah oo ay ku dhaceen, sida ay Ciidammada Dab-damiska oo halkaa ka soo saaray u sheegeen Wargeyska Geeska Afrika.
Labada Carruurta ah ayaa Ciidanka Dab-damisku da’dooda ku qiyaaseen 12 illaa 13 Sano jir.
Dab-damisku wuxuu sheegay in markii ay labada Carruurta ah soo saareen ay ku wareejiyeen Ciidammada Booliska oo baadhaya sida shilkani u dhacay.