Dawlada Itoobiya Liiska Argagixisada Ku Dartay Ururada TPLF IYO OLF.
May 3, 2021 - Written by admin
Addis Ababa(Berberatoday.com)-Dowlada Itoobiya waxay ku dartay liiska Argagixisada laba kooxood oo hubaysan, oo ay ku jiraan Tigray People’s Liberation Front (TPLF).
Kulan ay yeesheen golaha wasiiradu dowlada Itoobiya ayaa waxay ku ansixiyeen qaraar sabtidii loo aqoonsaday kooxda TPLF iyo weliba kooxda kale ee OLF-Shen inay yihiin argagaxiso, kadib weeraro dhowr ah oo meelo kala duwan oo dalka ah lagu bartilmaameedsaday dadka shacabka ah iyo kaabayaasha bulshada
Tallaabadan ayaa horseedi karta in dacwad lagu soo oogo xubnaha kooxahan iyo taageerayaashoodaba.