Wiil Yar Oo Ku Dhacay Balay Biyood Ku Yaala Magaalada Geedbalaadh Oo Maydkiisu Mudo 48sacadood Ah Ku Jiro Balaygii Iyo Gurmad La,Aanta Xukuumada!
May 3, 2021 - Written by admin
Geed Balaadh(Berberatoday.com)-Waxaa Maalintii Labaad aan wali laga soo Saarin maydka wiil yar oo ku dhacay balay biyood ku yaala Magaalada geed balaadh ee gobolka gabiley kaasi oo ay tahli kari waayeen in ay maydkiisa soo saareen ciidanka dab damiska ee gobolka gabiley iyo bulshada ku dhaqan degmada geed balaadhan oo awoodi kari waayay in ay balayga kazoo saaraan maydka wiilkan yar, kadib biyo xoogan oo ku jira balayga iyo daad ka imanaya dooxa Toga ah ee balaygan soo galo roobab wali ka da,ay deegaanka awgeed.