berberatoday.com
Xisbiyada Mucaaradka Ah Oo Sheegay In Xukuumaddu Dad Ka Ururisay Kaadhadhka Cod-bixinta Doorashada
May 4, 2021 - Written by admin

Hargeysa(Berberatoday.com)-Xisbiyada Mucaaradka ah ee UCID iyo WADDANI oo Shalay yeeshay Shir gaar ah, ayaa waxay soo saaray War-murtiyeed ay ku muujiyeen Walaac ay sheegeen inay ka qabaan doorashada soo socota, maaddaama bay yidhaahdeen Xukuumaddu dhibaato ku hayso Musharraxiintooda.

War-murtiyeedka WADDANI iyo UCID oo dheeraa, ayaa waxa eedaymo loogu jeediyey Taliyaha Ciidammada Booliska Maxamed Aadan Saqadhi (Daba-gale) iyo Masuuliyiinta kal ee Laamaha Dawladda, kuwaasi oo Xisbiyadu ku eedeeyeen in aanay ixtiraamayn heshiiskii xisbiyada Qaranka ee doorashooyinka, si gaar ahna loo cabudhinayo Musharraxiinta Xisbiyada Mucaaradka ah.

Waxyaabaha ay Xisbiyada Mucaaradku ka cabanayaan ee ay Qoraalkooda ku sheegeen in “Musharraxiinta Xisbiyada Mucaaradka ah oo culays iyo Cabudhin lagu hayo, isla-markaana la xidhay tiro badan oo hadda qaar Saldhigyada ku jiraan, qaar kalena lagu qasbay inay tartanka ka baxaan oo loo geystay Jidh-dil iyo Handadaad ku khasabtay inay ka tanaasulaan Hankoodii Musharraxnimo iyaga oo Xabsiga ku jira.” Ayaa lagu sheegay War-murtiyeedka Xisbiyada Mucaaradka ah, kaasi oo sidoo kale eedaymo loogu jeediyey Taliyaha Ciidammada Booliska “Taliyaha Ciidammada Boolisku oo weerar joogto ah ku haya Xarumaha Xisbiyada Mucaaradka ah, Handadaad iyo Xad-gudubyo kula kacaya Masuuliyiinta Xisbiyada isla-markaana caadaystay Hanjabaad iyo Xadhigga Sharci-darro ah ee Muwaadiniinta ku nool JSL, isagoo u muuqda inuu ka shaqaynayo Cadaadiska iyo muquuninta Xisbiyada Mucaaradka ah isla-markaana uu Ciidammada Nabadgalyada u abaabulay qaab-siyaasadeed uu ugu adeegayo Xukuumadda iyo Xisbiyadeeda Kulmiye.”

Xisbiyada Mucaaradku waxa kale oo ay qoraalkooda ku sheegeen “Xukuumadda Kulmiye oo adeegsatay Qaybo ka mid ah Ciidammadu inay Xoog kaga qaadeen Muwaadiniinta Kaadhadhkii Codaynta, iyada oo aanu hayno Caddaymo maqal iyo Muuqaal ah markii ay falalkaasi dhacayeen oo ah xilligii ay socotay kaadh qaybintu.”
Xisbiyadu waxa kale oo ay War-murtiyeedkooda ku sheegeen inay muddo dul-qaadanayeen “Labada Xisbi Mucaarad ee WADDANI iyo UCID oo muddo u dul-qaadanayey dhaqannada xun-xun ee kor ku xusan, iyagoo muhiimmadda siinayey Nabadgalyada iyo wada-jirka bulshada isla-markaana ku taamayey inay dhacaan doorashooyin xor iyo xalaal ahi, waxay si wada jir ah Walaac uga muujinayaan rejadii Doorashooyinka, waxayna Talo deg-deg ah ka yeelanayaan sii socodka hanaanka doorashooyinka, maaddaama oo aan Maant aloo sinnayn Fagaaraha Tartanku ka socdo oo ay dhammaan Hay’adihii Dawliga ahaa ee dhexda ahaa ay dhinac u xaglinayaan.”

WADDANI iyo UCID waxay baaq u direen Madaxweynaha Somaliland “Labada Xisbi Mucaarad waxay baaq u dirayaan Madaxweynaha xilka inuu joojiyo xad-gudubyada iyo ficillada Gurracan ee ka soo baxaya Hay’adihii Dawladda ee uu Madaxda u ahaa, isla-markaana uu wax ka qabto Mushkiladaha hadheeyey hanaankii doorasho ee dalka, caqabahadaas oo dalkan dhaxalsiin kara cawaaqib xumo iyo dib u dhac aan laga soo waaqsan karin..”

 

 

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews