Dowladda Federaalka Soomaaliya Oo Soo Saartay Qoraal Ku Aadan Siyaasaddeeda Qaadka Kenya
May 10, 2021 - Written by admin
Muqdisho(Berberatoday.com)-Dowladda federaalka Soomaaliya, ayaa sheegtay in weli uu dalka uu mamnuuc ka yahay in la keeno qaadka ka imanaya dalka Kenya, oo dhowr bil kahor Soomaaliya laga joojiyay.
Qoraal ka soo baxay Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya, ayaa lagu war-geliyay dhammaan shirkadaha diyaaradaha Soomaaliya in keenista qaadka Miraa ay mamnuuc ka tahay Soomaaliya, islamarkaana ayna waxba iska beddelin delin siyaasadda dowladda federaalka ee ku aadan in qaadka Miraa la keeno garoomada diyaaradah Soomaaliya.
Hay’adda, ayaa sheegtay in Miraa la keeno Soomaaliya iyada oo aan ogolaansho laga haysan loo arki doono ficil sharci darro ah iyo xadgudub ka dhan ah hawada Soomaaliya, inta ay dowladda ogeysiin dambe ka soo saari doono.