Arsenal Oo Guul Mihiima Chelsea Kaga Gaadhay Garoonkeeda Stamford Bridge
May 12, 2021 - Written by admin
London(Berberatoday.com)-Kooxda Arsenal ayaa guul ka soo heshay kooxda Chelsea oo ay ku booqatay garoonka Stamford Bridge, kaddib markii ay kaga soo adkaatay 0-1, ciyaar qeyb ka aheyd kulammada horyaalka Premier League.
Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 0-1 ay ku hoggaamineysay kooxda martida aheyd ee Arsenal.
Daqiiqadii 16-aad kooxda Arsenal ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta waxaana 0-1 ka dhigay xiddigooda Emile Smith-Rowe, kaddib markii uu caawin ka helay saaxiibkiis Pierre-Emerick Aubameyang
Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.
Balse ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku dhamaatay 0-1 ay kaga soo adkaatay Arsenal kooxda Chelsea oo ay ku booqatay garoonka Stamford Bridge, Arsenal ayaa haatan ka soo fariisatay dhanka kala sareynta horyaalka booska 8-aad, halka Blues ay fadhiso kaalinta 4-aad.
SAWIRRO:






Gool FM.