Ciidamada AMISOM Ee Muqdisho Jooga Oo Midowga Afrika Wakhtigii Ukordhiyay
May 14, 2021 - Written by admin
Muqdisho(Berberatoday.com)-Midowga Afrika, ayaa sheegay in howlgalka AMISOM, ay heli doonaan wakhti kordhin ku eeg 31-ka bisha Diseembar ee sanadkan, taa soo soo afjari doonta hubanti la’aanta dhinaca amniga ee Soomaaliya oo ay doorashooyin kusoo wajahan yihiin.
Go’aankan, ayaa la gaadhay Salaasadii shalay intii lagu guda jiray shirkii 15-ka xubnood ee Golaha Nabadda iyo Amniga ee AU.