Garoonka Diyaaradaha Ugu Weyn Israa’iil Oo La Xidhay
May 14, 2021 - Written by admin
Tell Aviv(Berberatoday.com)-Waxaa sare u sii kacaysaa xiisadda ka dhex taagaan Israa’iil iyo Falastiiniyiinta, waxaana laga cabsi qabaa in xaaladda ay faraha ka baxdo.
In ka badan 1,000 gantaal ayay dagaalyahanada Falastiin ku rideen Israa’iil 38 saacadood ee la soo dhaafay kuwaas oo inta badan ku dhacay magaalada Tel Aviv, sida ay sheegtay Israa’iil.