Shacab careysan oo maanta dibad-bax ka dhan ah DF ka dhigay Muqdisho + Ujeedka

Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa maanta debad-bax ka dhan ah Xukumada Farmaajo ka dhigay  boqolaal shacaba oo aad u gadoodsan.

Dibad-baxa oo ka dhacay taallada Daljirka Daahsoon ayaa waxaa ka qeyb-galay dhalinyaro iyo waalidiin ka cabanayey caruur ay dowladda u qaaday Ereteriya , si loo soo askareeyo.

Dadka dhigayey debad-baxa oo la hadlay wariyeyaasha ayaa ku qeylinayey erayo ka dhan ah madaxda Xukumada federaalka, iyaga oo shaaciyey in caruurtoodii ay la’yihiin nolol & geeri.

Sidoo kale waxay ugu baaqeen madaxweynaha uu waqtigiisa dhammaaday inuu soo fara-geliyo arrintan, si dalkooda dib loogu soo celiyo caruurtaasi.

Waalidiinta oo wejiyadooda ay ka muuqaatay murug aad u xoogan ayaa sheegay inay ka waalacsan yihiin xaaladda ay ku sugan yihiin caruurtooda oo muddo dheer ka maqan.

Si kastaba cabashada waalidiintan ayaa bilihii u dambeysay isa soo tareysay, kadib markii la sheegay in ciidamo Soomaali ah oo tababar loo geeyey  Ereteriya ay ka qeyb-galeen dagaalladii ka dhacay gudaha dalka Itoobiya, gaar ahaaan gobolka Tigray ee waqooyiga wadankaasi.