Warbaahinta Turkiga Oo Sheegtay In Imaaraadku Saldhigga Uu Somaliland Ka Samaystay Kaga Hor-tagayo In Turkigu Isku Fidiyo Geeska Afrika
May 19, 2021 - Written by admin
Ankara(Berberatoday.com)-Warbaahin laga leeyahay dalka Turkiga, ayaa wax ka qortay xidhiidhka Somaliland iyo Dawladda Imaaraadka Carabta.
Warbaahinta T54.com oo ka mid ah Warbaahinta Turkiga ee Habka Online-ka Wararka ku soo tebisa, ayaa War-bixin dheer ka qortay Taariikhda Dalka Imaaraadka Carabta, galaangalka siyaasadeed ee ay ku leedahay dunida Carabta, Waqooyiga iyo Bariga Afrika.