Madaxweynaha Taiwan Oo Ka Hadashay 30 Guurada Madax-banaanida Somaliland Iyo Doorashooyinka
May 20, 2021 - Written by admin
Taiwan(Berberatoday.com)-Dawladda Taiwan, ayaa Somaliland ku Hambalyaysay Xuska 30 Guurada Madax-banaanida oo Shalay ku beegnayd.
Madaxweynaha dalka Taiwan oo Drs. Tsai Ing-wen oo Warqad Hambalyo u soo dirtay Somaliland, ayaa sheegay in iyadoo ku hadlaysa Magaca Dadka iyo Dawladda Taiwan ay ku faraxsan tahay inay Hambalyo diiran soo gaadhsiiso Somaliland.