berberatoday.com
Madaxweyne Muuse Biixi Oo Kulamo Sagootin Ah La Yeeshay Wufuuddii Kasoo Qayb-gashay Munaasibadda 18 May
May 20, 2021 - Written by admin

Hargeysa(Berberatoday.com)-Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa waxaa uu maanta kulan sagootin ah xafiiskiisa kula qaatay wufuud kala duwan oo ka socotay dalalka jaarka oo ka soo qayb-galay munaasibadda xuska maalinta qaranimadda Somaliland ee 18-May.

Wufuudan madaxweynuhu kulanka sabootinta ah uu la qaatay, ayaa ka kala socotay Jabuuti iyo dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya oo waddanka u yimi ka qaybgalka munaasibadda 18-ka May oo xalay lagu qabtay qasriga madaxtooyada Somaliland.

Madaxweynaha, ayaa xubnaha weftiga ah ee ka ka soo kicitimay magaalooyinka Jabuuti iyo Jigjiga uga mahadnaqay ka soo qaybgalkooda munaasibadda qaran ee 18-ka May iyo taageerada ay muujiyeen shacabka reer Somaliland ee dabbaaldegga ku hawllan.

Wufuudda ka socotay Dalka Jamhuuriyadda Jabuuti iyo maamulka Soomaalida Itoobiya, ayaa dhankooda madaxweynaha, xukuumadda iyo guud ahaanba shacabka reer Somaliland uga mahadnaqay sida milgaha leh ee ay u soo dhaweeyeen iyo walaaltinimada ay muujiyeen.

 

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews