Dagaal Beeleed Markale Ka Dhacay Duuleedka Magaaladda Baledweyne
May 22, 2021 - Written by admin
Beledweyne(Berberatoday.com)-Dagaalo xoogan, ayaa maanta markale ku dhexmaray deegaanka Dharkeynta ee duuleedka Magaalada Baledweyne laba Maleeshiyo beeleed oo muddo laba todobaad ka badan ku dagaalamaya deegaano ku yaala Galbeedka Baledweyne
Khasaaro kala duwan oo dhimasho iyo dhaawac leh, ayaa ka dhashay dagaalka maanta inkastoo aanan la ogeyn khasaaraha rasmiga ah ee dagaalka maanta.
Dagaalkan, ayaa imanaya xili gudaha magaalada Baledweyne maalintii shalay ahayd shir lagu heshiisiinaayo labada beelood uu ka furmay magaalada Baledweyne kaa soo ay gadhwadeen ka yihiin Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan Dowladda Faderaalka Soomaaliya iyo maamulka Hirshabeelle kuwaas oo dhawaan Baledweyne u yimid xal u helida dagaalka u dhaxeeya labada Maleeshiyo beeleed.