Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Oo Gaadhey Gobolka Awdal
May 22, 2021 - Written by admin
Boorama(Berberatoday.com)-Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) iyo wefti uu hoggaaminayo, ayaa gaadhay magaaladda Boorama ee xarunta gobolka Awdal.
Madaxweyna ku xigeenka, ayaa si balaadhan loogu soo dhoweeyay deegaanka Goraya Cawl, waxaana halkaas kaga hortegay maamulka gobolka Awdal iyo ka degmada Borame iyo dadweyne kale oo tiro badan.
Socdaalka madaxweyne ku xigeenka, ayaa salka ku haya dardargelinta hawlaha doorashooyinka Somaliland, isaga oo ka qayb qaadan doona wacyigelinta doorashooyinka isku sidkan ee la filaayo in ay dhammaadka bishan dalka ka dhacaan.