Wasaarada Caafimaadka Somaliland Oo Sheegtay Hoos Udhac Ku Yimid Faafida Covid19, Xili Lagu Jiro Isku Soo Baxyada Ololaha Doorashada!
May 27, 2021 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Wasaaradda Caafimaadka ayaa sheegtay in hoos u dhac ku yimid faafidda xanuunka Covid_19, xilli uu jiro ololaha Xisbiyada, dadkuna iskugu yimaaddaan fagarayaasha kala duwan ee dalka.
Agaasimaha guud ee Wasaaradda Caafimaadka Dr. Maxamed Cabdi Xargeeye oo u warramay BBC-da, wuxuu sheegay inay Wasaarad ahaan weli wadaan wacyigelintii, wuxuuna ugu horeyn hadalkiisa ku bilaabay “Xaaladdii u dambaysay ee xanuunka Covid 19, ee gayiga Somaliland, waxaa muuqata inuu jiray hoos u dhac aad u weyn, oo la odhan karo kiisaska si baaxad weyn ayey hoos ugu dhaceen, tusaale ahaan shalay oo kale laba boqol oo qof oo la baadhay waxaa laga helay saddex qof, halka doraadna laba boqol oo qof ku dhawaad la baadhay aan cidna laga helin, waxaana muuqata hoos u dhac aad u weyn oo ah inuu xanuunkani hoos u dhacay, weli waxaa socda wacyigelintii Wasaaradda horumarinta Caafimaadku marinaysa warbaahinta kala duwan ee dalka, waxaa socda dadka madaarka ka soo degaya iyo dadka baxaya ee aanu eegaynay iyo meelaha kala ee dalka laga soo galo, waxaa socda qaybintii ay Wasaaraddu u qaybinaysaa Shaqaalaha Caafimaadka iyo meelaha kaleba af-xidhkii, waxaa jira shaybaadhkii ee bulshada laga baadhayey, maanu dabcin ee waxaa jira wacyigelin balaadhan..”