Gudoomiye Faysal Cali Waraabe Oo Dawladda Farmaajo Ku Eedeeyay Inay Baa’biisay Wixii Somaliland La Gashay Xasan Sheekh Maxamuud Iyo Sheekh Shariif H
May 29, 2021 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID Faysal Cali Waraabe, ayaa mar kale ku baaqay in la joojiyo Wada-hadallada Somaliland kula jirto Soomaaliya.
Guddoomiye Faysal Cali Waraabe oo Shalay khudbad ka jeediyey Fagaaraha Beerta Xorriyadda ee Hargeysa, ayaa sheegay in in dowladda Soomaaliya ay ka faa’iiday wada-hadallada ay kula jirto Somaliland, halka buu sheegay qadiyaddii aqoonsi-raadinta ee Somaliland uu dhaawac soo gaadhay.
Guddoomiyaha UCID oo arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Waxaanu qabnaa in Soomaaliya wada-hadalladeeda la joojiyo, marka horeba qalad ayay inagu ahayd, way ka faa’iidaysteen wada-hadalaldii, inagana khasaarey inoo keentay”