Gudoomiye Faysal Cali WaraabeOo Ka Dareen Celiyay Qabsoomida Doorashada Iyo Rajada Uu Qabo Xisbigiisu!
June 1, 2021 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Guddoomiyaha xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe oo ka haday doorashooyinka Goleyaasha Wakiillada iyo Deegaaanka ee saaka loo dareeray, ayaa sheegay in doorashadani soo Afjarayso barlamaankii ugu wakhtiga dheera uguna tayada xumaaa adduunka.
Guddoomiyaha Faysal, ayaa golaha Wakiilada Somaliland ee hada jooga ku tilmamay kuwii ugu tayada xumaa abid.
“Waxaynu maanta soo afjarayna baarlamaanki igu wakhtiga dheera uguna tayada xumaa adduunka” ayuu yidhi.
“Dhibaato ayuu dalka ku noqday Alle qaar khayr qaba ayuu inoogu badali doona” ayuu hadalkiisa ku daray