berberatoday.com
Taliye Hore Oo Ciidamada Uganda Hogaamin Jiray Oo Kampala Dhexdeeda Rasaas Lagula Beegsaday Isaga Iyo Qoyskiisa+Khasaaraha Kadhashay
June 1, 2021 - Written by admin
Kampala(Berberatoday.com)-Taliyihii hore ee Ciidanka Difaaca Uganda ahna Wasiirka Gaadiidka Gen. Katumba Wamala ayaa maanta lagu toogtay Magaalada Kampala gaar ahaan Kisaasi sida ay xaqiijiyeen saraakiil kala duwan.
Dhowr xabad ayaa ku dhacday Gaarigiisa, waxaana soo gaaray dhaawac halis ah, Gabar uu dhalay & Wadihii gaarigiisa ayaa ku geeriyooday sida ay xaqiijiyeen ilo deegaanka ah oo Warbaahinta xogtaan la wadaagay.
Sawir laga soo qaaday Gaariga & Jananka waxaa ka muuqday dhaawacyo ka dhashay rasaasta lagu furay, waxaana aad u dhiig-baxay Katumba Wamala oo markii dambe gurmad degdeg ah ka helay ciidamo militari ah.
2005-tii ilaa 2013-kii waxa uu ahaa Taliyaha Ciidanka Lugta (Dhulka) Uganda, waxa uu lasoo shaqeeyay Ciidamada Booliiska ammaanka ka shaqeeya intii u dhaxeysay 2001-tii ilaa 2005-tii sida ay sheegeen saraakiil lasoo shaqeysay.
Gen Katumba Wamala waxa uu lasoo shaqeeyay Ciidamada Ururka Midowga Afirka ee AMISOM, Isaga oo hoggaanka u qabtay Ciidamada Lugta Uganda ee Soomaaliya soo galay sanadkii 2007-dii.
Tababar ayuu kusoo qaatay Xeryo ciidan oo ku yaalla Uganda, Tanzania, Midowgii Sovied, Nigeria & Mareykanka oo uu kasoo helay aqoon kororsi la xiriira dhanka ciidamada iyo hoggaaminta howlgallada.
Waa saaxiibka Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni tan iyo 1986-dii waana tan keentay in uu meelo kala duwan kasoo shaqeeyo sida Ciidamada Booliiska, Militariga & Wasaaraddii ugu dambeysay ee loo dhiibatay ee Gaadiidka.
Radio Mustaqbal

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews