Telefishanka KTN Ee Kenya Oo Ka Warramay Doorashooyinkii Ka Qabsoomay Somaliland!
June 2, 2021 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Telefishanka KTN ee dalka Kenya ayaa warbixin ka diyaariyey Doorashooyinka Wakiillada iyo deegaanka ee shalay ka qabsoomay Jamhuuriyadda Somaliland oo uu ku tilmaamay qaar si nabadgelyo ah oo dimuqraadiyad ah u qabsoomay.
Wakaallada Wararka ee SOLNA, ayaa soo xigatay warbixinta Telefishanka Kenyan Television network (KTN) oo si qoto-dheer uga warramay marxaladihii doorashooyinka isku sidkan ee Somaliland.
Guddoomiyaha Xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa KTN u sheegay in doorashooyinku yihiin tartan la mid ah sida kubadda cagta, waxaanu tilmaamay inay rajaynayaan inay guulaystaan.