Madaxweyne Hore Xasan Sheekh Maxamuud Oo Muqdisho Lagu Rasaaseeyay
June 3, 2021 - Written by admin
Muqdisho(Berberatoday.com)-Madaxweynahii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa lagu rasaaseeyay galabta afaafka hore ee Maxkamada gobolka Banaadir.
Ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya, ayaa rasaasta ku furay gadiidka uu la socday Xasan Sheekh Maxamuud kuwaas oo la sheegay inay ku sugnaayeen bar koontarool, walow la sheegay inaanay wax jawab ah ka bixinin ilaalahada Xasan sheekh rasaasta lagu furay taasoo keentay inaanay ka dhalan wax khasaaro ah.