Somaliland Oo Beenisay In Puntland Ka Qabatay Kaadhadh Cod-bixineed
June 3, 2021 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Xukuumadda Somaliland, ayaa ka hadashay War ka soo baxay Ciidammada Puntland, kaasi oo sheegayey inay Axaddii qabteen Sanaaduuq ay ku jireen kaadhadhka Cod-bixinta doorashadu.
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed oo Shalay ka hadlayey Hargeysa, ayaa sheegay in aanay jirin Kaadhadh Cod-bixineed oo Maamulka Puntland ka qabtay Somaliland, Dadka warkaa sheegaynay ay ahaayeen dad doonayey inay carqalad abuuraan.
Wasiirka oo arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Innagu waxaynu ku mashquulsan nahay Nabadgalyada, Maamulka Soomaaliyana wuxuu ku mashquulsan yahay Nabadgalyo-darro.”