berberatoday.com
“Marka Imika Lagu Dhawaaqo Ninkii Dhacow Kiniinkaaga Xumada Iska liq”Taliye Dabagale.
June 4, 2021 - Written by admin

Hargeysa(Berberatoday.com)-Taliyaha Ciidnaka Booliska Somaliland Sareeye Guuto Maxamed Aadan Saqadhi (Daba-gale), ayaa talooyin u soo jeediyey musharixiinta kala duwan ee ku tartamay Doorashooyinkii isku sidkanaa, waxaanu ugu baaqay in Musharixiinta dhaca looga baahan yahay dulqaad, waxaanu si gaar ah ugu mahadnaqay Ciidmaada kala duwan ee Somaliland.

Taliyaha Ciidnaka Booliska Sareeye Guuto Maxamed Aadan Daba-gale,oo arintan ka hadlay ayaa wuxuu yidhi “Doorasho tii hore ka culays bay ahayd, Doorasho ka hawl badan bay ahayd, way ka diyaar-garow badnayd, halka tii hore kun iyo todoba boqol iyo dheeraad ahayd tan imika laba kun iyo todoba boqol iyo sagaal goobood bay ahayd, ciidan intii ka badan oo laban-laaba ayaa la diyaarinayey, hawl galo ballaadhan baa la diyaarinayey, waxaan aad iyo aad u hambalyeynayaa ciidamada kala duwan oo hawshaas u qabtay si firfircoon oo dhiiranaana, oo karti badan, dedaal badan iyo daacadnimo muujiyey, haddii ay tahay kuwii sanduuqyada loo xilsaaray, kuwii amniga guud ilaalinayey, ee heeganka ahaa iyo kuwii kormeerka ahaa, ee shaqaynayey oo istab walba is dul taagayey, silsilad isku xidhan bay ahaayeen, waxay muujiyeen karti aad iyo aad u weyn oo la iloobi karin, waxaan leeyahay waxaad muujiseen qaranimo, waxaad muujiseen hawl-karnimo, waxaad muujiseen daacadnimo”

Mar uu ka hadlayey Musharixiinta wuxuu yidhi “Haddii ay musharixinta tahay dulqaad weyn baa la muujiyey, marka imika lagu dhawaaqana nin walbaw kiniinkaaga xumada iska liq, boqolkiiba lixdan iyo dheerad baa dhacaya, ololihii si wanaagsan baad yeesheen, hawshan doorashadu intii socotay si wanaagsan baad yeesheen, ee weynu wada dulqaadanaynaa, idinkana intaas ayaan idinku dardaaray”

Berberatoday.com
COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews