Boqorka Dalka Biljimka Oo La Hor-dhigay Qadiyadda Ictiraaf-raadinta Somaliland
June 6, 2021 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Dirk Lenaerts oo ah qoraa u dhashay Dalka Biljimka, ayaa Warqad u diray boqorka dalka Biljimka.
Dirk Lenaerts, ayaa Warqadda uu u qoray Boqorka dalkiisa Biljimka, wuxuu ku waydiistay inuu ka hadlo Aqoonsiga Somaliland isla-markaana uu Wasiirka Arrimaha dibedda ee Biljimka ka dalbado inay arrinta Somaliland horgeyso midowga Yurub.
Sidaa waxa lagu sheegay Qoraal lagu baahiyey Bog Twitter-ka ah oo looga ololeeyo Qadiyadda Ictraaf-raadinta Somaliland.