Xukuumadda Somaliland Oo Amar Ka Soo Saartay Dabbaal-degyada Musharrixiinta Guulaystay
June 6, 2021 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Xukuumadda Somaliland, ayaa amartya inaanay Musharrixiinta ku guulaystay doorashadii goleyaasha Wakiillada iyo deegaanka ee dalka ka qabsoontay 31-kii May 2021 samayn karin wax dabbaaldegyo ah, ciddii samaysana tallaabo ay ka qaadi doonaan Ciidanka Ammaanku.
Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed oo maanta Hargeysa kula hadlay Warbaahinta, ayaa sheegay sababo la xidhiidha nabadgelyada iyo dhawrista dareenka Musharrixiinta hadhay dartood aan la oggolayn inay Xildhibaannada guulaystay debbaal-degyo sameeyaan.