berberatoday.com
Kaaliyihii Hore Ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Maraykanka Oo Ku Baaqay In Afti Laga Qaado Somaliland
June 8, 2021 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Kaaliyihii hore ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda dalka Maraykanka ee Arrimaha Afrika Tibor Nagy, ayaa ugu baaqay Qarammada Midoobay in Somaliland laga qaado Afti ay Qarammada Midoobay damaanad qaaday.
Mr Tibor Nagy oo qoraal kooban ku baahiyey bartiisa Twitterka oo Wakaaladda Wararka ee SOLNA soo xigatay, ayuu ku sheegay in ay Somaliland geydo in Afti lamid ah tii Eritrea laga qaaday sannadkii 1993-kii laga qaado,isla markaana ay Qarammada Midoobay damaanad qaado aftidaas.
Waxa uu sidoo kale Mr Tibor tilmaamay in Somaliland ay u qalanto ictiraaf calaami ah oo ay ku kasbanayso guulaha ay gaadhay iyo Qarannimadeeda shaqaynaysa muddada dheer, waxa uu soo jeediyey in dadka reer Somaliland loo ogolaado in ay go’aan qaataan.
Mr Tibor ayaa hore taageero weyn ugu muujiyey Somaliland,isaga oo doorashooyinkii Somaliland ka dhacay ka sameeyey qoraalo uu intooda badan ku baahiyey boggiisa Twitter-ka iyo warbaahinta caalamiga ahba.
Xigasho Wakaalada Wararka asomaliland Ee Solna

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews