“Kulmiye Wax Badani Waxay Kaga Xidhan Yihiin, Hadba Sida Madaxwayne Muuse Biixi Uu Uga Falceliyo Guul Darrada xisbigiisa Ee doorashadan Iyo Talaabooyinka Uu Qaado”Cali Guray. “
June 8, 2021 - Written by admin
“Isbahaysiga Labada Xisbi Ee Mucaaridka Waxa jira dad Sharaystay Ama ka Shakiyay, Balse Maaha Wax ku Cusub Somaliland”Siyaasi Cali Guray
Marka hore waa run in ilaa iyo xad xisbiyada mucaaridku gaar Ahaan WADDANI uu doorashadan guul lama filaan ah ka Gaadhay markii uu kuraasida ugu badan ee wakiilada isagu ku Guulaystay. Dabcan hadii aan ku hambalyeeyo lafteedana wax Dhibaato ah uma arko mana ahi shakhsi ka tirsan sadexda xisbi midnaba. Keliya waxan qirayaa oo aan cid kalena dafiri karin in WADDANI uu guusha ku kasbay dadaal iyo qorshayaal uu aad uga baaraan degay sidii guusha uu kasbay ugu xaqiijin lahaa waanay u shaqaysay hadii aan la is xaasidayn.