berberatoday.com
Musharaxiin Uu KULMIYE Il-duufay Iyo Kuwo Uu Ku Tilmaamay Inaanay Beelahoodu Isbixin Karin Oo Guulihii Ugu Cuslaa Ka Soo Hooyay Xisbiyada Mucaaaridka
June 8, 2021 - Written by admin

Hargeysa(Berberatoday.com)-Waxaanu halkan akhristayaashayada ugu soo gudbinaynaa tirada musharaxiin door ah oo Xisbiga Kulmiye ilduufay wakhtiga Xulashada Murashiinta ee doorashada ka hor, kuwaasi oo Codadkii ugu badnaa ku hogaaminaya Natiijada la yeedhiyay islamarkaana la odhan karo waxa ay qaybta ugu weyn ka qaateen hagaasinta ama guuldarada gaadhay Kulmiye.

Musharraxiintaa uu Xisbiga KULMIYE diiday inay iska sharraxaan Xisbiga oo iskugu jiray qaar doonayey inay u tartamaan Golayaasha degaanka iyo Wakiillada, isla markaana uu beelahooda qaar kood ku tilmaamay kuwa aan cod baddan haysan, ayaa waxa ay tageen Xisbiyadda Mucaaradka ah ee UCID iyo WADDANI,halkaas oo ay kala kulmeen soo dhaweyn,isla markaana laga siiyey fursado ay isku sharraxeen oo ay wacdaro ka muujiyeen.

Dhanka kalena Musharraxiinta Golaha Wakiillada ee uu Xisbiga KULMIYE diiday inay sharraxaan ee Xisbiyadda WADDANI iyo UCID ay fursada siiyeen ayaa guulaha ay ka gaadheen  doorashadii isku sidkanayd ee dalka ka dhacday labada Xisbi Mucaarad u soo hooyey,kuwaas oo codad baddan u keenay Xisbiyadda,isla markaana noqday qaar ka soo dhex-baxay oo guulaystay,waxaana xusid muddan in ay taariikh cusub dhigeen qaarkood.

Waxa kamid ahaa Musharraxiinta Golaha Wakiillada ee uu Xisbiga KULMIYE soo diiday inay iska sharraxaan ee Xisbiyadda WADDANI iyo UCID ay qaabileen Eng Axmed Cabdi Ibraahim Cige iyo Axmed Dayib Aadan “Ku Cadeeye”  oo Xisbiga WADDANI fursad ka helay iyo Maxamed Cisman Maxamed & Maxamed Xasan Siciid oo uu iyana Xisbiga UCID fursado siiyey iyo xubno kale, kuwaas oo hadda guulo ka gaadhay doorashada,isla markaana kamid noqday Xildhibaanada Golaha Wakiillada Somaliland,waxaana xusid muddan in Xisbiyadda UCID iyo WADDANI ay guulo u soo hooyeen .

Dhanka kalena Xisbiga KULMIYE ayaa waxa jirtay inuu wakhtigii kale saarista Musharraxiinta uu diiday inuu fursado ay isku sharraxaan uu siiyo Musharraxiin kamid ah kuwa Golayaasha degaanka,kuwaas oo ay kamid ahayeen Cabdikariim Axmd Mooge uu markii dambe Xisbiga WADDANI fursad siiyey,kaas oo guul weyn oo taarikhiya ka gaadhay doorashadii,isla markaana noqday Xildhibaanka ugu codka baddan ee Golaha degaanka Hargeysa,isla markaana guusha uu Xisbiga WADDANI ka gaadhay doorashada door weyn ku leh iyo Khadar Axmd Cumar oo fursad ka helay Xisbiga UCID ,kadib markii uu soo diiday KULMIYE, waxaana xusid muddan inuu Xildhibaan Khadar Axmed Cumar uu guul ka gaadhay doorashadii,isla markaana uu kamid noqday Xildhibaanada Golaha degaanka ee Hargeysa oo guul u soo hooyey Xisbiga UCID iyo Xildhibaana kale oo aananu xusin magacyadooda.

Si kastaba ha-ahaatee Musharraxiin uu Xisbiga KULMIYE soo diiday inay iska sharraxaan wakhtigii soo xulista Musharraxiinta oo uu qaarkood ku tilmaamay in aanay cod baddan haysan oo beelaha ay kasoo jeedaana tiro yar yihiin,isla markaana uu dhabarka ujeediyey,ayaa waxa ka faa’iidaystay oo fursado ay iskaga sharraxaan siiyey Xisbiyadda UCID iyo WADDANI,kuwaas oo guulo ka gaadhay doorashooyinka isla markaana kamid noqday Xildhibaanada Golayaasha Degaanka iyo Wakiillada ee cusub.

 

.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews