berberatoday.com
“Xisbiyada Mucaaridka Ahi Ha Ogaadaan Abdikarim Ahmed Mooge, In Aanu Kelidii Ahayn”Abwaan Weedhsame.
June 8, 2021 - Written by admin

Hargeysa(Berberatoday.com)-Abwaan Xasan Daahir Ismaaciil “Weedhsame” Oo kamid ah hal abuurka dhalinyarada ah ee somaliand ayaa xisbiyada uga digay in ay marin habaabiyaan guusha xildhibaan cabdikariim axmed mooge ee maayarnimada caasimada oo ay shacabku ugu codeeyeen

Sidoo kale abwaan weedhsame ayaa xusay in bulshada reer Somaliland ee aamusan uu horsed u ahaa cabdikariim islamarkaana ay eeganayaan.

Abwaan Weedhsame ayaa sidaasi ku sheegay qoraal uu ku baahiyay barta uu ku leeyahay xidhiidhka bulshada ee facebookga wuxuna udhignaa sidan;

“Xisbiyada Mucaaridka Ahi ha Ogaadaan Abdikarim Ahmed Mooge in Aanu Kelidii Ahayn.

Codadka 26,000 ah ee uu helay, waa 30% ka mid ah AQLABIYADA AAMUSAN, ee bal taasna xisaabta ku dara.

Kumanaan dhallinyaro ah oo da’doodu u dhexayso 18 – 25 jir, oo cid kasta leh ayaa ku midoobay hiilkiisa oo u codeeyey.

Ragga iyo haweenka la socdaa reer qudha maaha, raas meel qudha Hargeysa ka degganna maaha, balse waa ummad dhan oo is-bedel doon ah.

Haddii aad maanta isaga han-dishaan, waxa aad u quus-goynaysaan rejadoodiina aad dhacan saaraysaan, boqolaal barbaar ah oo rabay inay dariiqaa nadiifta ah siyaasada u soo maraan.

Fadlan tixgeliya rabitaanka AQLABIYADA AAMUSAN.

Waad mahadsan tihiin.”

Abwaan xasan daahir Weedhsame

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews