berberatoday.com
Eng. Maxamed Xaashi Cilmi Oo Ku Taliyey In La Diwaangeliyo Hantida Ay Haystaan Xildhibaannada La Soo Doortay
June 10, 2021 - Written by admin

Hargeysa(Berberatoday.com)-Wasiirkii hore ee Wasaaradda Maaliyadda Somaliland Eng. Maxamed Xaashi Cilmi, ayaa ka hadlay doorashadii dalka ka dhacday ee Goleyaasha Wakiillada iyo deegaannada.

Eng. Maxamed Xaashi Cilmi oo Shalay Warbaahinta kula hadlay Magaalada Hargeysa, ayaa sheegay in loo baahan yahay in Maamulka cusub ee Goleyaasha Wakiillada iyo deegaannada ee dooran doonaa ay xil iska saaraan ilaalinta Hantida Ummadda, kana shaqeeyaa sidii la isku waydiin lahaa wixii hore loo Musuqmaasuqay ee sida uu sheegay laga dhistay daaraha dhaadheer.

Eng. Maxamed Xaashi oo ugu horayn farriin u diraya Mudaneyaasha hoggaamin doona Goleyaasha la soo doortay ee Baarlamaanka iyo deegaanka ayaa yidhi  “Maamulka la samayn doonaa waa inuu noqdaa mid Hantida Ummadda ilaaliya, wixii la lunsaday ee daaraha waaweyn laga dhistay in la iswaydiiyo xaggeed ka keentay (weeyaan).”

Eng. Xaashi wuxuu ku taliyey in la Tiro-koobo Hantida Xildhibaannada la soo doortay, si loo ogaado Xildhibaan walba Hantida uu imika haystaa inta ay legtahay “Wuwo cusub waa Nin walba wuxuu Hanti leeyahay la diwaangeliyo, la ururiyo oo lagu ogaado muxuu qofkaasi Hanti lahaa (intaan la dooran), dabadeedna uu dalku inoo dhismo.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey in la niyad-jebin Muwaadiniintii Codadka ka dhiibtay doorashadii Somaliland ka dhacday 31-ka bishii May ee sannadkan “Dad wanaagsan ayuu Ilaahay innaga dhaliyey, wixii wanaag ah ee Maanta inoo soo baxay waa in la dhowro, wixii Cabasho ah si Habsami ah loo Xalilo.”

 

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews