Furitaanka Ururada: Ma Run Baa Ma Riyaa? Siyaasi Cali Guray.
June 16, 2021 - Written by admin
Muddo yar ka hor doorashadii 31 May dalka ka qabsoontay Golaha Wakiilada ee 16ka sanadood fadhiyay waxay fadhigoodii Ugu dambeeyay ku soo gebo gabeeyaan nuqul qabyo-qoraal ah Oo Xeerka Furitaanka Ururada Siyaasadda ku saabsan. Ka dib Markii Goluhu ansixiyay xeerka waxay u gudbiyeen Guurtida oo Ilaa hadda uu hor yaal balse aan ka gudanin waajibkoodii Dastuuriga ah ee hoosta dhigay. Hadii arinka xeerkani caadi ahaan lahaa Guurtidu sabab la’aan hoosta may dhigteen oo wakhti ku filan way haysteen oo ay kaga bogtaan kuna ansixiyaan si ay ugu celiyaan Wakiilada oo sharci ahaan iyagu u gudbin lahaa Madaxwaynaha.