Xidhibaan Ka Tirsan Guurtida Oo Ka Hadlay Loolanka U Dhexeeya Xisbiyada Mucaaradka Ah Iyo Xisbul Xaakimka
June 18, 2021 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Xildhibaan Saleebaan Garas Seed oo ka mid ah Mudanayaasha Golaha Guurtida Somaliland, ayaa sheegay in cid kasta oo Somaliland lid iyo cadaw ku ah inay ka naxday Doorashooyinkii isku sidkanaa ee dalka mar ka wada qabsoomay, waxaanu tilmaamay in muxaafid iyo mucaaradba mar walba looga baahan yahay inay danta qaranka meel uga soo wada jeestaan.
Xildhibaan Saleebaan Garas Seed oo u warramay Wargeyska Geeska Afrika wuxuu ugu horeyn hadalkiisa ku bilaabay “Haddii aanu nahay Golihii Guurtida waxaanu Gole ahaan aanu awooddaa saarno ilaalinta diinteena, dhaqankeena iyo nabadgalyadeena, waana qodobo ka mid ah waajibka iyo xilka na saaran, iyadoo ay aad u badan yihiin waajibka qaranka naga saaran, sidaas awgeed waxaa mar walba la inooga baahan yahay ku dedaalno ilaalinta qarankeena”.