Burco”Xubnaha Cusub Ee Galaha Deegaanka Oo Doortay Maayer Iyo Ku-xigeen
June 20, 2021 - Written by admin
Burco(Berberatoday.com)-Xubnaha cusub ee golaha deegaanka Burco, ayaa Cabdirisaaq Ibraahim Cabdi (Hero) u doortay Maayerka cusub ee Burco, halka ay Mukhtaar Maxamed Cabdi u doorteen Maayer ku-xigeenka.

Maayerka iyo Maayer ku-xigeenka cusub ee maanta la doortay, ayaa labadooduba ka soo baxay Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID.
Kalfadhiga xubnaha golaha deegaanka oo loo balansanaa in uu qabsoomo maalintii shalay ayaa dib ugu dhacay maanta, waxana xafiiska golaha deegaanka ee Burco is hortubay dadweyne gadoodsan oo ka cabsi qabay in dowladu faragalin ku samayso doorashada.