berberatoday.com
Burco”Xubnaha Cusub Ee Galaha Deegaanka Oo Doortay Maayer Iyo Ku-xigeen
June 20, 2021 - Written by admin

Burco(Berberatoday.com)-Xubnaha cusub ee golaha deegaanka Burco, ayaa Cabdirisaaq Ibraahim Cabdi (Hero) u doortay Maayerka cusub ee Burco, halka ay Mukhtaar Maxamed Cabdi u doorteen Maayer ku-xigeenka.

Maayerka iyo Maayer ku-xigeenka cusub ee maanta la doortay, ayaa labadooduba ka soo baxay Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID.

Kalfadhiga xubnaha golaha deegaanka oo loo balansanaa in uu qabsoomo maalintii shalay ayaa dib ugu dhacay maanta, waxana xafiiska golaha deegaanka ee Burco is hortubay dadweyne gadoodsan oo ka cabsi qabay in dowladu faragalin ku samayso doorashada.

Geesta kale, Masuuliyiin ka tirsan Xisbiyada Mucaaradka ah, ayaa u arkayay dib u dhaca ku yimid kal fadhigii shalay mid ay Xukuumaddu uga danleedahay in ay ku xod xodato xubnaha mucaaradka si loo doorto Maayer Xisbiga Kulmiye ah.

Doorashada Maayerka iyo Maayer ku-xigeenka Burco oo labaduba ka soo baxay Xisbiga UCID, ayaa ka dhalatay heshiis ay gaadheen labada Xisbi Mucaarad oo Xisbiga UCID lagu siiyay Maayerka iyo Maayer ku-xigeenka Burco.

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews