Midawga Yurub Oo Joojiyey Inta Badan Dhaqaalaha Ay Ku Caawin Jireen Ciidammada Kenya
June 20, 2021 - Written by admin
Nairobi(Berberatoday.com)-Midawga Yurub, ayaa jaray 66% dhaqaalaha uu ku taageeri jiray Ciidammada Kenya ee qeybta ka ah howlgalka nabad-ilaalinta Amisom ee Soomaaliya ku sugan.

Jarista dhaqaalahaan, ayaa dhaqan galidoonta bisha Luulyo ee sannadka soo socda, iyadoo loo tixgelinayo inay Ciidammada Kenya ka baxayaan Soomaaliya.